|

|
  
Waa Maxay Processor?
Processor-ku waa . Magacyada kale ee processorka loo yaqaano waxaa ka mid ah Microprocessor
iyo CPU (Central Processing Unit). Processor-ku wuxuu ka mid yahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka waana halka laga cabbiro
xawaaraha kumbiyuuutarka, wuxuuna inta badan tilmaan u maskaxda ama matoorka kala socodsiiya hawlaha kumbiyuutarkanoqdaa kumbiyuutarka
oo dhan. Waxaa laga yaabaa inaad maqasho qof leh "Kumbiyuutarkaygu waa Pentuim II 450" iwm. Taas micneheedu waa in nooca processor-ka
kumbiyuutarkaasi uu yahay Pentium II, xawaarihiisuna uu yahay 450 Mhz. Noocayada processor-ka dib ayaan uga hadli doonnaa
hadduu rabbi idmo.

Processor uu noociisu yahay Pentium MMX oo marna hoos laga sawiray (sawirka bidixe) marna
dusha laga sawiray (sawirka midige).
Xawaaraha processor-ka waxaa lagu cabbiraa inta wareeg ee uu sameeyo halkii ilbiriqsi (seken)
waxaana lagu sheegaa waxa loo yaqaan megahertz (Mhz) oo u taagan ilbiriqsigiiba hal milyan oo wareeg. Haddii lagu yiraahdo
processor ayuu xawaarihiisu yahay 450 Mhz, waxaa looga jeegdaa in processor-kaasi uu halkii ilbiriqsi sameeyo 450 milyan oo
wareeg. Hal wareeg waa cabbirka ugu yar ee wakhtiga processor-ka. Hawl kasta oo uu processor-ku qabtaa waxay ku qaadan kartaa
ugu yaraan hal wareeg, laakiin caadi ahaan waxay hawl kastaa qaadataa wareegyo fara badan.
Si uu processor-ku u fuliyo hawl gaar ah wuxuu raacaa oo uu mid mid u fuliyaa waxa loo yaqaan
Instructions oo ah tilmaamo ku saabsan tillaabooyinka ay hawshaasi ka kooban tahay. Inta wareeg ee ay processor-ka ku qaadato
inuu fuliyo hal instruction ayaa lagu cabbiraa xawaaraha dhabta ah ee processor-ka. Taasina waxay ku xiran tahay nooca processor-ka.
Tusaale ahaan processor-radii ugu horreeyay (8086 iyo 8088) wuxuu halkii instruction ku qaadan jiray celcelis ahaan 12 (laba
iyo toban) wareeg. Halka maanta processor-rada carsiga ah (Pentium II iyo wixii ka dambeeyay) ay hal wareeg ku fulin karaan
saddex instructions iyo wax ka badan. Taasi waxay keenaysaa in laba processor oo uu xawaarahoodu yahay 200 Mhz laakiin uu
noocoodu kala duwan yahay ay aad u kala dheereeyaan iyadoo ay ku xiran tahay inta instruction ee uu processor walbaa fulin
karo halkii wareeg. Processor walbaa processor-kii uu ka dambeeyay wuu ka dheereeyaa maadaama ay had iyo jeer sii yaraanaysay
tirada wareegyada ay processor-ka ku qaadanayso fulinta halkii instruction.
la soco qaybta danbe |
|
|
Waxaa jira dhawr arrimood oo saamayn ku leh xawaaraha processor-ka. Arrimahaas
kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:
- Xawaaraha Motherboard-ka
Xawaaraha Motherboard-ku saamayn weyn ayuu ku leeyahay xawaaraha processor-ka . Sidaan ku soo aragnay Casharka 7-aad (qeybta Bus Slots) Motherboard-yada maanta la isticmaalo wuxuu xawaarahoodu u dhexeeyaa 66 Mhz
ilaa 100 Mhz. Halka uu xawaaraha Processor-rada maanta la isticmaalaa u dhexeeyo 100 Mhz ilaa 800 Mhz iyo ka badan. Taasi
waxay keenaysaa in si kasta oo uu Processor-ku u dheereeyo uu mar kasta ku khasban yahay inuu sugo Motherboard-ka. Waayo marka
uu Processor-ku dhammeeyo hawsha loo diray wuxuu si uu natiijada hawsha ugu gudbiyo qaybaha kale ee kumbiyuutarka isticmaalaa
Buses-ka Motherboard-ka. Sidoo kale si uu akhbaarta hawsha loo diray u soo akhristo wuxuu isticmaalaa Buses-kaas.
Processor-ku wuxuu markaa ku khasban yahay inuu akhbaarta ku diro ama ku soo akhristo xawaare la mid ah xawaaraha Bus-ka uu
akhbaarta ku diraayo ama ka soo akhrinaayo.
- Data Bus
Data Bus-ku waa waddada ay marto akhbaarta ka timaadda iyo tan u socota processor-ka labadaba.
Waxaa xawaaraha processor-ka saamayn weyn ku leh ballaca Data Bus-ka. Waayo taasi waxay goynaysaa xaddiga akhbaarta uu Processor-ku
Bus-kaas ku diri karo halkii marba.
Akhbaarta kumbiyuutarku uu diro waxaa lagu diraa nidaamka loo yaqaan Digital. Nidaamkaasi wuxuu
akhbaarta u qaybiyaa xaraf xaraf. Xaraf kasta waxaa inta badan loo sii kala qeybiyaa siddeed qaybood oo yar yar oo loo yaqaan
bits. Halkii bit wuxuu noqon karaa 1 (hal) ama 0 (eber). Data Bus-ka iyo dhammaan Buses-ka Kumbiyuutarka ee ay akhbaartu marto
waxay ka kooban yihiin fiilooyin yar yar oo si saf ballaaran ah isu garab socda. Halkii fiilo waxay halkii marba qaadi kartaa
hal bit oo noqon karta 1 (hal) ama 0 (eber). Si 1 iyo 0 loogu sheego koronto ahaan waxaa halkii fiilo ay markiiba qaaddaa
koronto uu xooggeedu yahay 5v (shan Volt) ama 0v (eber). 5v waxay u taagan tahay 1(hal). Halka ay 0v u taagan tahay 0. Si
hal xaraf loo diro waxaa loo baahan yahay siddeed fiilo oo lagu kala diro siddeeda bit ee uu xarafkaasi ka kooban yahay.
Haddii ballaarka Data Bus-ku uu yahay 8 fiilo (8-bit) waxa markaa halkii marba lagu diri karaa
hal xaraf. Haddiise uu ballaarkiisu yahay 16 fiilo (16-bit) waxaa halkii marba lagu diri karaa laba xaraf. Haduu ballaarkiisu
yahay 32 fiilo (32-bit) waxaa halkii marba lagu diri karaa afar xaraf. Mar kasta oo uu ballaarka Data Bus-ku sii bataba waxaa
sii badanaya xaddiga akhbaarta lagu diri karo taasoo yaraynaysa wakhtiga ay qaadanayso in akhbaartaas la diro. Processor-rada
casriga ah sida taxanaha loo yaqaan Pentium waxay leeyihiin Data Bus uu ballaarkiisu yahay 64-bit taasoo keenaysa inay halkii
marba diri karaan ama soo akhrisan karaan 64-bit ama 8 xaraf. Haddii uu xawaaraha Motherboard-ku yahay 66 Mhz waxay Processor-radaasi
halkii ilbiriqsi Memory-da u diri karaan ama ay ka soo akhrisan karaan 8 x 66 miljan oo xaraf (528 milyan). Haddiise uu xawaaraha
Motherboard-ku yahay 100 Mhz waxay halkii ilbiriqsi Memory-da u diri karaan ama ay ka soo akhrisan karaan 8 x 100 milyan oo
xaraf (800 oo milyan).
- Address Bus
Address Bus-ku waa halka ay marto akhbaarta Processor-ka u sheegaysa address-ka Memory-da ee
akhbaarta laga soo akhrinayo ama loo dirayo. Address Bus-ku wuxuu sida Data Bus-ka ka kooban yahay fiilooyin si saf ballaan
ah isu garab socda. Mar kasta oo uu ballaarkiisu sii batana waxa badata akhbaarta lagu diri karo. Inta address ee uu Bus-kaasi
halkii mar qaadi karaa waxay ku xiran tahay inta uu Ballaarkiisu dhan yahay. Address Bus-ku wuu ka madax bannaan yahay Data
Bus-ka sidaa darteed ballaarkiisu wuu ka duwan yahay kan Data Bus-ka. Maadaama uusan Address Bus-ku qaadayn akhbaarta lafteeda
ee uu qaadayo tilmaan ku saabsan halka akhbaarta laga heli karo ama la geynayo wuu ka ballaar yar yahay Data Bus-ka. Laakiin
inta badan markuu ballaarka Data Bus-ku sii weynaadaba waxaa isna sii weynaada ballaarka Address Bus-ka.
- Internal Cache (L1)
Hawlaha Processor-ka iyo guud ahaanba kumbiyuutarku uu qabto waxay u badan yihiin kuwo isku
mid ah oo soo noqnoqda. Tusaale ahaan mar kasta oo aad rabto inaad wax qorato waxaad horta soo furtaa program-ka loogu tala
galay qoraalka sida Word iwm. Soo furidda program-kaasi waa hawl soo noqnoqota oo mar kasta si isku mid ah loo sameeyo. Si
uu Processor-ku Program-kaas u soo furo wuxuu akhbaar ku saabsan sida program-kaas loo soo furaayo iyo halka uu yaallo labadaba
ka soo akhriyaa Memory-da oo xawaare ahaan aad uga gaabisa Processor-ka. Taasi waxay keentaa inuu processor-ku xawaarihiisa
ka dhigo mid la mid ah Memory-da si uu u soo akhriyo akhbaartaas. Halkaana waxaa ku luma wakhti uu Processor-ku hawlo kale
ku qaban lahaa. Si loo yareeyo wakhtiga arrintaas ku baxa ayaa waxa la soo saaray farsamo loo yaqaan Caching. Farsamadaasi
waxay u shaqaysaa sidaan:
Haddaan sii daba soconno tusaalihii wax qorashada, marka ugu horraysa ee aad program-ka qoraalka
(sida Word) soo furto wuxuu Processor-ku kaydinayaa akhbaarta ku saabsan sida program-kaas loo soo furo iyo halka uu yaallo.
Akhbaartaas wuxuu Processor-ku intii muddo ah ku kaydiyaa Memory gaar ah oo processor-ka ku dhex dhisan oo la yiraahdo Internal
Cache loona soo gaabiyo L1. Marka dambe ee aad u baahato inaad soo furto program-ka Word wuxuu processor-ku akhbaarta program-kaas
ka soo akhrinayaa Internal Cache-ka oo uu xawaaraheedu la mid yahay kan processor-ka. Halkaana waxaa ku baaqanaya wakhtigii
ku bixi lahaa soo akhrinta akhbaartaas. Sidaa iyo si la mid ah ayaa loo kaydiyaa akhbaarta hawlaha soo noqnoqda, si marka
dambe ee hawshaas loo baahdo akhbaarteeda looga soo akhriyo Internal Cache-ka. Haddaba mar kasta oo baaxadda Internal Cache-ka
Processor-ku ay sii badataba waxaa badanaya akhbaarta halkaas lagu kaydin karo. Taasina waxay keenaysaa in hawlo badan oo
soo noqnoqda uu Processor-ku u qabto si aad u dhakhso badan. |
|
|
mahad naq
  
Fogaanta udhaxaysa gobolada dalka baro
- xamar iyo baydahbo waxay isku jiraan 250km,
- xamar iyo marka waxay isku jiraan
111km,
- xamar iyo jowhar waxay isku jiraan
90km,
- xamar iyo baladwayne waxay isku jiraan 360km,
- xamar iyo bu,aale waxay isku jiraan
485km,
- xamar iyo kismaayo waxay isku jiraan 500km,
- xamar iyo xudur waxay isku jiraan
430km
- xamar iyo garbahaarey waxay isku jiraan 505km,
- xamar iyo gaalkacyo waxay isku jiraan 750km,
- xamar iyo dhuusomareeb waxay isku jiraan 550km,
- xamar iyo hargaysa waxay isku jiraan 1600km,
- xamar iyo laascaanood waxay isku jiraan 1220km,
- xamar iyo garoowe waxay isku jiraan 925km,
- xamar iyo boosaaso waxay isku jiraan 1505km,
- xamar iyo baki waxay isku jiraan 1800km,
- xamar iyo burco waxay isku jiraan
1340km,
- xamar iyo ceerigaabo waxay isku jiraan 1450km,
  
'

|

|
kusood hawada go laha sawirad taarikhi ga ah

|

|

|

Halkani waa kooxdii Waaberi iyo gabdho soomaaliyeed oo aroos ka cayaaraya.
Halkan waxaad ka ragtaan Halyeygii Cabdi Bile Cabdi iyo Halyeygii Darwiishka ahaa ee Seyid Maxamed Cabdulle Xasan
Diyaaraddii Soomaaliya ee Deeqa
Halkan waxaad ka aragtaan carruur soomaliyeed oo waxbaranaysa "WAXBARTA AAN BARWAAQO GAADHNEE"
Halkan waxaad ku aragtaan nin safar wata , laba halaad oo dhalay, geel horweyn ah, awr la waraabinaayo awr raran , hooyo
soomaaliyeed oo awr raran wada , wiilal soomaaliyeed oo geeljireyaal ah oo hal maalaya, Geelal cabaya
Halkan waxaad ka aragtaan aqal soomaali la dhisayo,aqal soomaali dhisan iyo niman dillaalliin ah oo wax kala iibsanaya
Waxaad halkan ka aragtaan adhi Soomaali Adhiga Soomaalidu wuxuu kaga duwan yahay adhyaha kale ee aduunka Badhid, waana
adhiga aduunka ugu wanaagsan
Dameeraha Soomaaliya
Halkan waxaa ku arataan gabadh iyo saddex wiil oo xoolo dhaqato soomaaliyeed ah
Halkan waxaad ku aragtaan Fandhaal iyo xeedho
Muntulayaasha ay soomaalidu ay isticmaasho
Halkani waxaa weeye dhiil ,sati barkin ka samaysan qori , hooyo soomaaliyeed oo laxoox/canjeelo dubaysa , cunto Soomaali
iyo wiil iyo gabadh soomaaliyeed oo xidhan dharkii hidaha iyo dhaqanka
Halkani waa sawir taariikhi ah, xarruntii ubaxa kacaanka
Halkani waa xarruntii Taleex ee taariikhiga ahayd, dundumo , xeebtii soomaaliya iyo caasimaddii Muqdisho(Xamar)
Hargeysa
Buurta Sheekh
Buurta Calmadow
Laascaanood iyo Buurtii Seyidka
Fardaha Soomaaliya
Halkan waxaad ku aragtaan Seyladda xoolaha, bacaad celinta Shalaanbood, Ceel laga dhaaminaayo iyo Kaamam(Bushash)
SOS Soomaaliya
Kuwani waa Huteel Alcuruba,Masaajidkii Arbaca-rukun , Xamar- weyne, Masaajidkii Isbaahaysiga iyo Huteel Shabeele
|
. Morgan oo maalmahan lagu arkayey garoomada Isboortiga ee Muqdisho
Jen. Max’ed Siciid Xersi (Morgan) oo muddooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu sheegay in
uu u yimid howlo la xiriira nabadeyna & dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ayaa xiliyada galbihii mararka qaar lagu
arkaa garoomada Isboortiga Muqdisho, wuxuuna Jananku ka qeybgalayey daawashada tartamo kala duwam oo ka kala dhacay degmooyin
ka tirsan Muqdisho.
Jananka ayaa todobaadkii hore kaga qeybgalayey degmada X/weyne daawashada tartanka ciyaarta
hand-ball-ka gabdhaha ah, uuna soo qabqaabiyey xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha hand-ball-ka, waxaana uu Jananku yahay shaqsi
si weyn u jecel horumarinta isboortiga, iyadoo xilligii dowladdii milateriga lagu arki jiray garoomada basket-ka.
Jen. Morgan ayaa ugu baaqay bahweynta Isboortiga in la hor mariyo ciyaaraha, isla markaana la soo nooleeyo
kaalintii Isboortigu kaga jiray nabadeynta bulshada & is-dhexgalkooda.
Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku sugan Boosaaso oo sheegay in uu daaha-rogayo sir
culus oo ka dhan ah madaxweynaha dowladda federaalka
Cawad Suleymaan Ashkir oo ku sugan magaalada Boosaaso ee Xarunta G/Bari, isla markaana
sheegay in uu ka mid yahay aqoonyahanadda ka soo jeeda magaaladaasi ayaa qoraal uu ka saaka na soo soo gaarsiiyey, waxa uu
sheegay in uu baaq digniin ah u jeedinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada K/Soomaaliya, gaar ahaan wuxuu sheegay
in uu baaqani si gaar ah ugu jeedinayo waxgaradka, aqoonyahanadda, saraakiisha, culumaa’udiinka & haweenka beesha
Hawiye, sida uu yiri Cawad.
Cawad wuxuu yiri waxaan ka helay ilo aanu warkooda beeneyn karin
in madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in uu qorsheynayo in uu guluf colaadeed
ku kiciyo gobolada K/Soomaaliya, isla markaana qorshihiisa ugu weyni ay tahay in uu xoog ku qabsado Muqdisho.
“Labo maalmood kadib ayuu imaan doonaa Gaalkacyo waxaana la socda
wasiirkiisa gaashaandhiga C/raxmaan oo isna halkaasi la sii joogi doona, wuxuuna halkaasi ku diyaarin doonaa 1200 askari oo
aan aheyn ciidamada Puntland ee horay loogu diyaariyey, baabuurta qoryaha loo saari lahaa maleeshiyooyinkaasi horay ayey uga
soo degeen dekadda Boosaaso, iyadoo dowladda Itoobiya na ay ku taageeri doonto hubka & saanada milateri ee ay u
baahan yihiin ciidankaasi, kadibna wuxuu u gudbi doonaan magaalada B/weyne halkaasoo ay ku sugayaan ciidamo laga qorayo beelaha
Xawaadle, Gugundhabe & Raxanweyn, kadib ciidamo gaaraya 200 maleeshiyo oo iyaguna hubkooda wata ayaa ka tegaya dhinaca
Gaalkacyo, una badan beesha Xaaji Saleebaan oo ay wehliyeen maleeshiyooyin ka soo jeeda beelaha Leelkase
& Majeerteen, Isrataatiijiadaasina waxey salka ku haysaa in guluf colaadeed lagu qabsado Baydhabo, kadibna Kismaayo, markaa
kadibna in la go’doomiyo Muqdisho oo dhinaca Jowhar & dhinaca Kismaayo lagaga soo duulo, C/llaahi Istaaraatiijiaydiisu
waxaa weeye in uu isku furo Jowhar & Xamar & Kismaayo & Xamar, Qorshahan ayaa la doonayaa in lagu fuliyo 45 cisho
gudahood,
Ciidamada aaga B/weyne gacanta ku haynaya ayaa waxaa loo magacaabay Siciid dheere oo ka mid ahaa sarakiishii
SSDF ahaana saraakiisha ciidanka daraawiishta Puntland, dhinaca kale,
Ciidamada ka ruqaansanaya Gaalkacyo ee aadaya waddada Guriceel waxaa madax looga dhigay sarkaal lagu magacaabo
Goronya Cowl oo ka mid ah raggii xusuuqa ka geystay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya” ayuu yiri Cawad oo intaasi sii raaciyey
in aysan wanaagsan in xilligan oo ay Soomaalidu ka soo daashay dagaalo in haddana la sii huro dagaalo kale.
Kulan dhexmaray xubnaha dowladda federaalka ee ku sugan Puntland & qaar ka
tirsan mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland oo hadalo kulul la isku dhaafsaday
Waxaa kulan uu ku dhexmaray magaalada Garoowe oo xarun u ah maamul goboleedka Puntland xubnaha
dowladda federaalka ee dhowaan soo gaaray Puntland, uuna hor-kacayey wasiirka kaluumeysiga & kheyraadka badda Xasan Abshir
Faarax & xubno ka tirsan xukuumadda & baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, iyadoo wararka ka imaanaya kulankaasina
ay sheegayeen in xubnaha dowladda federaalka lagu wargeliyey in maamula Puntland aanu
qaadin karin qarashaadka ku baxaya xubnaha dowladda federaalka ee ku sugan Puntland xilli maamulkaasi uu la ciirciirayo dhaqaale
xumo, wuxuuna hadal uu halkaasi ka jeediyey wasiirka qorsheynta Puntland C/raxmaan Faroole uu u sheegay
xubnaha dowladda federaalka in ay jiraan xubno deegaan ah oo marti gelin kara xubnaha la socda, sidoo kale wasiirka arrimaha
gudaha Axmed Cabdi Xaabsade ayaa isna hadal uu kulankaasi ka jeediyey ku sheegay in Puntland kala dambeyn & nidaam uu
ka jiro sidaa darteedna nidaamkaa la tixgeliyo, wuxuuna tilmaamay in xubnaha dowladda federaalka ay ku
haboon laheyn in ay marka hore qaadaan Isbaarooyinka Muqdishoi u yaala wax uu ku sheegay Mooryaanta.
Hadalka labada wasiir ee ka tirsan maamulka Puntland ayaa yimid kadib markii wasiirka kaluumeysiga &
kheyraadka badda xukuumadda federaalka Xasan Abshri khudbad uu ka jeediyey Gaalkacyo uu ku sheegay in ay
iyagu dhisayaan goleyaasha deegaanka, waxaana jiray warar la isla dhexmarayey oo sheegayey in madaxweynaha Puntland Jen Cadde
Muuse oo uu wehliyey wasiirka qorsheynta C/raxmaan Faroole safarkii ay dhowaan ku tageen Nairobi in uu
is fahmi waa dhexmaray iyaga oo dhinac ah & madaxweynaha & ra’isul wasaaraha dowladda federaalka
oo dhinac ah, waxaana la isku khilaafay in dowladda inta ay ka heleyso miisaaniyad ku filan in ilaha ay ku tashaneyso ay ugu
horreyso dhaqaale ay ka dooneyso gobolada Puntland.
Waxaa jira warar banaanka yaal oo Puntland la isla dhexmarayo, kuna saabsan in baarlamaanka & xukuumadda
Puntlnad ay ka welwel san yihiin sida ay u dhaqmayaan dowladda federaalka oo iyagu u eg in yihiin kuwa doonaya in ay awoodooda
ka hirgeliyaan Puntland kadib markii ay ku soo fashilmeen K/Soomaaliya,
Siyaasi reer Puntland ah oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf
& dowladiisu ay doonayaan in ay qabsadaan dekadda Boosaaso, halka qorshahoodu ahaa in ay qabsadaan magaalada Baydhabo,
hase yeeshee taasi waxey abuuri doonaa qalqal & burbur ku dhaca gebi ahaanba siyaasadda Soomaaliya oo la doonayey in nabad
lagu soo dabaalo
| |
|